Lafta gareen oo heshiis lagu dhisayo Dekada Baraawe la galay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait

7

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Lafta-Gareen ayaa saxiixay heshiis muddo 25 sano ah oo uu la galay shirkadda Arabi Holding Group Company, waxaana shirkadan laga leeyahay dalka Kuwait.

Heshiiskan ayaa dhigaya in shirkaddaasi la wareegi doonto Dekedda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dhul cabirkiisu gaarayo 200KM isku wareeg ah.

Macluumaadka ayaa intaasi ku daraya in qiimaha maalgelinta ee mashruucan ku baxayso lagu qiyaasay $500 milyan, waxaana heshiiskan uu dhigayaaa in shirkaddu ay maalgashato dhulkan, iyadoo la horumarin doono dekedda Baraawe, isla markaana lagu maalgelin doono ka faa’iideysiga macdanta ku jirta dhulka, sida shidaalka.

Dhismaha mashruucan ayaa waxaa qaadatay shirkadda Waadi Al Misri oo laga leeyahay dalka Masar, waxaana heshiiska ku jira in la dhiso hoteelo, Warshado iyo horumarinta wax soosaarka Badda.

Haddii la fuliyo Mashruucan ayaa waxaa la sheegay in dekada Baraawe ay u adeegi doonto wadamo ay ku jiraan Itoobiya, Koonfur Suudaan, Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda, iyo Congo DRC.