Israel oo loo haysto inay mas’uul ka tahay dilka Suxufiyiin ugu badnaa 2024: CPJ

4

Ururka Ilaalinta Saxaafadda (CPJ) ayaa warbixintiisa sannadlaha ah ku sheegay in sanadkii 2024 uu noqday sanadkii ugu dhimashada badnaa ee saxafiyiinta tan iyo markii la bilaabay diiwaangelinta. CPJ waxay xustay in ugu yaraan 124 suxufi lagu dilay 18 dal oo kala duwan, iyadoo Israel ay mas’uul ka tahay in ka badan laba-meelood saddex meel dhimashadaas, gaar ahaan dagaalka ay ka waddo Qaza.

Sida warbixintu tilmaamtay, ugu yaraan 85 suxufi ayaa ku dhintay duqeymaha Israel ee Qaza, kuwaas oo 82 ka mid ah ay ahaayeen suxufiyiin Falastiiniyiin ah. CPJ waxay Israel ku eedeysay inay isku dayeyso inay carqaladayso baaritaannada la xiriira dilalka suxufiyiinta, inay mas’uuliyadda dul saarto saxafiyiinta la laayay, iyo inay iska indho tirto waajibkeeda ah in ay ciqaabto askarteeda ku lugta leh dilalkaas.

Dalalka Sudan iyo Pakistan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ahaayeen kuwa ugu halista badan suxufiyiinta sannadkii hore, iyadoo min lix suxufi lagu dilay mid kasta. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in 24 suxufi si kas ah loo beegsaday oo loo dilay shaqadooda awgeed, taasoo muujinaysa kororka weerarada si toos ah loogu bartilmaameedsanayo warfidiyeenada.

CPJ waxay carrabka ku adkeysay doorka muhiimka ah ee suxufiyiinta madaxa-bannaan ay ka ciyaarayaan tebinta dagaalka Qaza, maadaama warbaahinta caalamiga ah laga hor istaagay inay si toos ah uga warbixiso dhulka la haysto. Waxay mar kale ugu baaqday Israel iyo Masar in la furo marinada warbaahinta si loo sugo helitaanka warar dhexdhexaad ah oo xaqiiqo ah. Warbixintu waxay xustay in weerarada Israel ee ka dhanka ah suxufiyiinta Falastiiniyiinta ay sii socdaan, iyadoo sanadkan 2025, saxafi Axmed Al-Shayah lagu dilay duqeyn ay Israel ka geysatay Khan Younis.