Xil. Cabdirashiid Xidig “ Hadii Baarlamaanka la furi waayo qeyb kale ayaan fureynaa

7
Xidhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah mudanayasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta sheegay in ay filayeen in Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya la furo 6di Bishaan Febraayo balse uu u xiran yahay rag uu ku sheegay inay baqdin ka qabaan in mooshin la keeno Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan u dulqaadan karin intaan wixii ka dambeeya in Golaha Shacabka uu rag gaar ah u xirnaado, waxaana uu shaaca ka qaaday in Sheekh Aadan Madoobe Gudoomiyaha Golaha shacabka ay ka doonayaan inuu furo kalfadhiga Baarlamaanka hadii kalana ay mudanayaasha goob kale ay ka furi doonaan Shirkoodi.

“Shaqsiyaad cabsi haysta inuu Baarlamaanka u afduubnaado sharci maahan, hadii la furi waayana waxaa dhacaysaa inaan meel kale aan ka furno, hadii laga baqaayo inaan mooshin lakeeno, mooshinka waa saxiixan yahay cidii ku bixi lahayd ayaa ku bixi doonta” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Xidig.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa ugu dambeeyntii waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay ahayd in ciidamada Dowladda dano gaar ah loo adeegso laguna duulo Maamulka Jubaland, waxaana uu sheegay in ciidankii si qaldan loo adeegso la iska celin doono.

Hadalkaan ayuu maanta ka jeediyay fadhi ay yesheen Mas’uuliyiinta iyo madaxda Xisbiga Himilo Qaran oo looga hadlay arrimo badan oo quseeyay xaaladda dalka sida Siyaasadda, amaanka iyo Arrimaha Doorashooyinka.