Puntland: Goob qaraxyo lagu farsameeyo oo la Duqeeyay

7

Sida lagu baahiyay bogga Howlgalka hilaac ee Buuraha Calmiskaad ee Puntland Saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ka taageera la dagaallanka argagixisada ayaa duqeyn ka fuliyay habeenkii xalay buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu burburiyay mid ka mid ah xarumaha ay kooxaha Daacish ku farsameeyaan qaraxyada iyo baabuurta miinaysan.

Labo warshadood oo lagu sameeyo qaraxyada ayaa la beegsaday, mid ka mid ahna waxaa la xaqiijiyay in la gubay, iyadoo qaraxyo waaweyn laga maqlay deegaanka. Habeen ka hor, baabuur waaweyn oo la rumeysan yahay in qaraxyo lagu diyaarinayay ayaa sidoo kale la burburiyay.

Dhanka dhulka, ciidamada difaaca Puntland ee howlgallada ciribtirka argagixisada ayaa horumar weyn ka sameeyay aagag cusub. Meydadka dagaalamayaasha buuraha daadsan iyo hubka ay ka carareen ayaa sii kordhaya, taasoo muujinaysa jabkooda sii xoogeysanaya.

Sidoo kale, labo weerar oo ay kooxahaas qaadeen ayaa fashilmay, waxaana la jabiyay dagaalyahannadoodii, iyagoo aan gaari karin bartilmaameedkoodii. Inkasta oo dagaalku uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, haddana Puntland ayaa si mideysan ugu adkeysanaysa dagaalka ka dhanka ah kooxdan.