Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka qaybgalay Shirka Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in uu heshiis la gali doono Itoobiya ka hor inta aanu sannadkani dhamaan. Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland ay tahay dimuqraadi, isla markaana ay rajaynayso in nidaamkeeda maamul darteed ay caalamka abaal-marin kaga hesho. Wuxuu si gaar ah u carrabka ku dhuftay in uu aqoonsi ka filayo dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska. “Maaddaama oo aanu nahay dowlad dimuqraadi ah, waxaan beesha caalamka ka rajaynaynaa abaal-marin. Dhamaan waddamada caalamka, sida Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanu rajaynaynaa inay na aqoonsadaan, balse hadda waxaan si gaar ah u rajaynaynaa in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay xidhiidhada Somaliland la leedahay dalalka jaarka ah iyo horumarka Dekedda Berbera. Wuxuu sheegay in dekedda la casriyeeyay, isla markaana suuqa ugu weyn ee ay leedahay uu yahay Itoobiya. Sidaas darteed, inta aanu sannadkani dhammaanin, ayuu sheegay inuu saxeexi doono heshiis weyn oo dhex mara Somaliland iyo Itoobiya. Maamulaha shirkadda DP World, oo 450 milyan oo dollar ku kharash-garaysay dhismaha dekedda, madaarka iyo waddada Berbera, ayaa isna sheegay in dekeddu noqon doonto mid ku xidhan suuqa Itoobiya, isla markaana Berbera ay tahay mid ka mid ah goobaha ugu istiraatiijisan ganacsiga Itoobiya. Somaliland ayaa sannadkii hore Itoobiya la gaadhay is afgarad ay Itoobiya kaga kiraynayso saldhig badeed, halka la sheegay in Itoobiyana ay aqoonsandoonto Somaliland, lakiin is afgaradkaas sannad kadib looma badalin heshiis rasmi ah, dhinaca kale waxa jira wadahadalo u socda Itoobiya iyo Soomaaliya, oo la filayo in Itoobiya ay marin badeed kaga hesho Soomaaliya.

5

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo waftigii uu hogaaminaayey ayaa ka qeyb galay Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadka 2025, oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 6,000 oo qof ka jeediyey khudbad dheer, su’aalo badana kaga jawaabey.

Cirro ayaa sheegay in kahor inta uusan dhamaan sanadkan uu soo gabagabeyn doono heshiiska badda iyo ganacsiga ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaasoo xiisad xoogan ka abuurey gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Cirro wuxuu xusay in dekadda Berbera ay tahay mid kamid ah kuwa ugu muhiim gobolka, iyadoo shirkadda DP world ku maalgelisay 400 oo milyan oo dollar, taasoo isbedel wayn ku samaysay dekada.

Cirro ayaa rajo wayn ka muujiyay inay dekada Berbera u adeegi doonto 140 milyan qof oo ku nool dalka Itoobiya, oo hadda wax kasoo degsada dekadaha dalka Jabuuti.