Wararka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Difaaca Puntland ee ku sugan Deegaanka Hararyo ay soo riday 7 kamid ah drone-ka qaraxyadda qaad ah, kuwaasi oo ay soo direen kooxda Daacish.
Ciidamada Puntland ayaa la sheegay iin ayadoo aan Dhulka soo gaarin ay qarxiyeen diyaaraha, mana jirin khasaare ka dhashay qaraxyada.
Kooxda ayaa maalmihi ugu dambeeyay laga saaray saldhigyo badan oo ay ku laheyd deegaanka Buuraleyda Calimiskaad ee gobolka Bari.
Dhanka kale Ciidamada Puntland ayaa saaka isku fidiyay deegaano horleh oo ay kamid yihiin aaga Qurac ee Togga Jaceel waxayna ugu tageen saldhigyo ay Daacish ka carareen.
War kasoo baxay Taliska Howlgalka Argagixisada ayaa lagu yiri “Ciidanka oo hore ugu ruqaansaday deegaano hor leh, wuxuu hawlgalo amni ka sameeyay deegaanka Hararyo ee Toga-jeceel, isagoo isku fidiyey illaa aaga Qurac, oo ay ugu tageen saldhigyo Aragixisadu ka carartay.”
Taliye ku xigeenka 2-aad ee Booslika Puntland Sarreye guuto Cismaan Maxamuud Cige ayaa sheegay in xubno Daacish oo firxad ah ay ku qabteen deegaano ka tirsan gobolka Bari, iyagoo ka baxasanaya dagaalka ka socda buuraleyda gobolka Bari.
Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in kooxda ay isku deyayaan inay firxad ahaan ku galaan dalalka deriska ah iyo Koofurta Soomaaliya,
Puntland ayaa dabayaaqadii bishii December ee sannadkii 2024, waxay ku dhawaaqday dagaal ay ku qaaday Buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin kooxda Daacish.