Firdhiye oo Khamiistii la hadlayay qaybo ka mid ah shacabka SSC Khaatumo, ayaa sheegay in la bililiqaystay guryihii ay ka qaxeen qaar ka mid ah shacabka Ceerigaabo, isla markaana ay Somaliland wado colaad joogto ah.
“Nabad baanu rabnaa ayay leeyihiin, guryahayagiina way bililiqaysanayaan, waana hanjabayaan, nabad bay ku baaqayaan, weerarna way qaadayaan. Waa laba aan sinaba isu-qaban karin. Waa nabad afka baarkiisa ah iyo colaad joogto ah oo ay wadaan,” ayuu yidhi Firdhiye.
Waxa uu sheegay in SSC Khaatumo ay masuul ka tahay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, isla markaana ay ku qasban yihiin in ay gacanta ku wada dhigaan dhammaan deegaannadaas, kuwaas oo qayb ka mid ah ay Somaliland maamusho hadda.
Xaaladda Sool iyo Sanaag ayaa weli cakiran, iyada oo qaar ka mid ah beelaha deggan gobolladan ay ku baaqeen dagaal ay doonayaan inay ku qabsadaan Ceerigaabo, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inuu rabo in nabad lagu xalliyo xaaladda gobolladan, isaga oo dhanka kale sheegay in uu awood milatari ku difaaci doono hadii la soo weeraro. Madaxwaynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa isna dhankiisa ku baaqay in nabad lagu dhameeyo xiisada.
Ciidamada Somaliland ayaa horeĀ dagaal loogaga saaray magaalada Laascaanood iyo bariga gobolka Sool. Kadib, halkaas waxaa laga aasaasay maamulka SSC Khaatumo, oo hadda doonaya in uu xukunkiisa ku ballaadhiyo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, halka Somaliland ay ku tashanayso inay gaadho xuduudihii Ingiriisku dejiyay.