Trump oo qorsheenaya in Soomaaliya iyo Morocco uu u qeybiyo Shacabka laga barakicinaayo Magaalada Gaza

3
Warbixin ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay jirto soo jeedin saddex meelood la soo jeediyay in ay noqon karaan meelaha Trupm uu ka fakarayo in la geeyo Shacabka reer Falastiin ee laga barakicinaayo Gaza waxaana kamid ah Dalalka Morocco iyo Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil fiidnimadii Arbacada, dalalka lagu tixgalinayo inay aqbalaan soo jeedinta Trump waa Morocco, iyo Soomaaliya gaar ahaan Maamulada Puntland iyo Somaliland maadama ay wadamadaan ay badankoodi suniiyiin yihiin waxaa fudud inay aqbalaan.

Warbixintu waxay tilmaantay in Puntland iyo Somaliland ay raadinayaan aqoonsi caalami ah oo ay ku helaan madax-banaanidooda oo ay ka go’aan Soomaaliya inteedi kale, halka Marooko ay ka walaacsan tahay sii socoshada aqoonsi raadinta iyo  madaxbanaanida Saxaraha Galbeed.

Qorshaha Trump ee barakicinta Shacabka Gaza waxay ujeeddadeedu tahay in lagu cadaadiyo Israa’iil iyo Sucuudiga in ay xiriir Diplomaasi ah yeeshaan.

Kanaalka ayaa horey u sheegay in Trump uu qorsheynayo in 100,000 oo Qaxooti falastiiniyiin ah uu ku wareejiyo dalal shisheeye sida Albania iyo Indonesia, taasoo qeyb ka ah aragtidiisa ku aadan barakicinta Shacabma Marinka kunool.

Warbixintu waxay Albania ku tilmaantay dal sabool ah oo reer Yurub ah oo u baahan shaqaale, balse Madaxweynaha dalkaasi ayaa ka horyimid qorshaha Trump waxaana uu iska diiday inay qaabilaan Shacab intaasi la dhan.