Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ah oo ay maanta yeesheen kaga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgalada culus ee ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ugu horeyn bogaadiyey guulaha ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Daacish ee jabka xooggan lagu gaarsiiyey kooxda Daacisha ee ku dhumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
“Golaha ayaa go’aamiyey in hey’addaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wasiiradda.
Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay guulaha ciidanka Puntland ka gaareen dagaalada culus oo ay kula jiraan Daacish.
“Hambalyo ayaan leeyahay geesiyaasha Puntland iyo guud ahaan Ciidankeena Qaranka ee laayay ajaanibtii dalkooda uga soo haajiray iney dhibaato ka geystaan Soomaaliya, kuwaas oo dambiyo kala duwan kasoo galay dalalkiida, waxaan arkeynay meydadka Ajaaniibta lagu dilay dagaalka, waa guul aad u weyn oo aan ku amaanayo geesiyaasha ciidanka Puntland” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka dhanka ah Daacish ka waday buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku dileen xubno Ajanabi ah oo ka tirsan Daacish.