Danjire Daahir Carab: Dowladda Mareykanka uma qorsheysna inay Somaliland aqoonsato

4

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka aysan u qorsheysnayn inay aqoonsi siiso Somaliland, waxayna xustay in culays weyn uu ka imaan doono haddii tallaabadaas la qaado.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Washington, Daahir Xasan Carab, oo waraysi siiyay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Mareykanku uu ilaaliyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan suurtagal ahayn in uu Somaliland dowlad u aqoonsado.

“Anaga nooma muuqato sabab dowlada Maraykanku ay u kala qaybiso Soomaaliya, una aqoonsato qayb ka mid ah gobolada Soomaaliyeed, oo dowlad ay u noqoto, dowlada Maraykanku waa dowlad masuul ah, sharciga adduunkana dowlada ugu wayn ee ilaalisa weeyi” ayuu yiri Dajire Daahir Carab.

Waxa uu xusay in masuuliyad culus ay ka dhalan doonto haddii Mareykanku Somaliland aqoonsado. Sidaas darteed, waxa uu sheegay in Mareykanku uusan diyaar u ahayn aqoonsiga Somaliland, isla markaana arrinta aqoonsigu aysan ahayn mid hadda miiska saaran.

Danjire Daahir Carab oo la weydiiyay hay’adda sharciyeed ee dhowaan ay kiraysatay dowladda Soomaaliya si ay uga hortagto aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in hay’addaasi kala talin doonto shuruucda kasoo baxaysa hay’adaha kala duwan ee Mareykanka iyo sida ay Soomaaliya u saameynayaan.

Dhaqdhaqaaqyada aqoonsi raadinta Somaliland ayaa ka soo xoogaystay Mareykanka labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ololahan ay safka hore kaga jiraan xildhibaanno ka tirsan golayaasha sharci-dejinta Mareykanka iyo dibulumaasiyiin ka tirsan xisbga Jamhuuriga ee talada haya.

Ololahan ayaa sii xoogaystay kadib markii Trump dib loo doortay, waxaana si weyn u soo dhawaysay xukuumadda Somaliland, oo ku tilmaantay Trump inuu yahay nin go’aan leh oo aqoonsan kara Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhankiisa, ayaa xaqiijiyay in ololahani ka socdo Mareykanka, isla markaana uusan hubin tallaabada uu qaadi doono Trump.