Maamulka Jubaland oo sheegay in ay la wareegeen Xarumahii Maamulka degmada Baardhheere.

19

Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa Waxaa si lama filaan ah Xarumahii Maamulka degmada Baardheere gudaha u galey Ciidamo uu Watey Aaden Muxumed Dhegacade oo ah Gudoomiyahii Jubaland ugu magacaabnaa degmada Baardheere iyo Qaar ka mid ah Xubnaha maamulkiisa.

mana jirin Wax iska horimaad ah oo ka dhacay Xurunta degmada, ,inkastoo Ismaaciil Sh.Cabdi Qorax oo ahaa Gudoomiyahii degmada Baardheere ay u soo magacwdey DF,isaga iyo Qaar ka mid ah Xubnaha Mamulkiisa ay ku jiraan gudaha Xafiiska GudoomiyahislaXarunta degmada .

Shir jaraa,id oo ay si wada jir ah Mas,uuliyiinta Jubaland ugu Qabteen Xarunta degmada ayaa waxay sheegeen in si rasmi ah ay ula wareegeen Tallada Maamulka degmada Baardheere.