Sheekh Shariif oo James Swan kala hadlay muranka ka taagan hanaanka Doorashooyinka Dalka

6
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed, ayaa kulan la qaatay  James Swan, sii-hayaha gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, waxaana ay diirada saareen siyaasadihii ugu dambeeyay ee dalka.

Muhiimada ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa hanaanka doorashada oo khilaafyo baahsan uu soo wajahay, Labada mas’uul waxay carrabka ku adkeeyeen baahida muhiimka ah ee loo qabo in la isku raacsan yahay qaabka doorashada si loo xaqiijiyo sharci ahaanshihiisa iyo aqbalaadda dadweynaha.

Waxay ka wada hadleen istaraatiijiyado lagu kobcinayo wadahadal dhexmara dhinacyada siyaasadda, iyadoo la doonayo in loo gogol xaaro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa bartiisa X kusoo daabacay qoraal uu ku yiri “Waxaan maanta kulan la qaatay James Swan oo ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Waxaanu ka wada hadalnay arrimo badan oo kala duwan, gaar ahaan siyaasadda, qaabka doorashada ee lagu muransan yahay, iyo baahida loo qabo in doorasho la isku raacsan yahay, lagu kalsoonaan karo, oo sharci ah inay ka dhacdo Soomaaliya”.

Kulankan ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay uga go’an tahay madaxdu inay wax ka qabtaan caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo hufnaanta doorashada, iyagoo taageero ka helaya beesha caalamka.