Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in nabad laga dhaliyo xaalada magaalada Ceerigaabo

3
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa ku baaqay in xaalada magaalada Ceerigaabo lagu xaliyo si nabadgalyo ah.

Deni wuxuu sheegay in magaalada Ceerigaabo ay tahay dhul ay wada degaan shacabka reer Puntland iyo reer Somaliland, kuwaas oo muddo 30 sano ah ku wada noolaa heshiis nabadeed, loona baahan yahay in xaaladaha soo cusboonaaday lagu dhameeyo si nabad ah.

“Waxaan halkan fariin uga dirayaa mas’uuliyiinta Somaliland in ay faylka dib u eegaan. Taariikh wanaagsan ma aha arrintan, waxaan rabnaa in aan ka bogsano colaadaha. Cadowga kaliya ee ay Soomaalidu leedahay waa Al-Shabaab iyo Daacish. Waxaan rabnaa in la joojiyo dagaallada qabiilka iyo kuwa siyaasadeed,” ayuu yidhi Deni.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland, Axmed Cabdi Muuse, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay hadalka Deni, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in shacabka Ceerigaabo ay nabad ku wada noolaadaan, iyaga oo hoos jooga calanka Somaliland, heshiisna ku ahaa tan iyo sagaashamaadkii.

Hadalka Deni ayaa ku soo beegmaya xilli maalmahan dagaallo ka dhaceen magaalada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda, oo muddo badan nabdoonayd.

Shacabka ku dhaqan degmada Ceerigaabo, oo ka kooban beelo kala duwan, ayaa horaantii sagaashamaadkii gaadhay heshiis nabadeed oo tilmaamaya wada noolaansho, heshiiskaas oo horseeday in Ceerigaabo nabad ahaato muddo dheer.