Dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda iyo Al-shabaab ayaa goordhaw dib uga qarxay deegaanka lagu magacaabo Cadow Gureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobilka Hiiraan
Dagaalka haatan ka socda deegaanka Cadow Gureey ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo si gaar ah uga socda dhul howd ah.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan dib u bilaawday ayaa imaanaya, iyadoo Shalay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shebeelle, gaar ahaan deegaanka Jicibow uu ka dhacay dagaal qaatay in ka badan 8 saacadood oo xiriir ahaa, kaasoo wali si rasmi ah aanan loo helin khasaraaha ka dhashay, marka laga soo tago in ciidamada is kaashanaya ay la wareegeen deegaankaas.
Waxaa aad u adag in si dhab ah loo helo khasaaraha dagaalka socda, maadama meelaha lagu dagaalamayo ay isaga barakaceen qoysaskii xoolo dhaqatada ahaa ee ku noola, islamarkaana isgaarsiinta deegaanadaasi ay tahay mid aanan wanaagsaneen.
Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dagaalka ka sheeganaya iney horumar ay ka sameeyeen, islamarkaana kooxda Al-shabaab ay ka saaren godad waa weyn oo ku fadhiya dhul baaxad leh oo ay halkaas ka qoteen si ay isaga difaacaan gulufka ciidamada iskaashanaya.