Bishan Janaayo 2025, askarta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa bilaabay olole baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kaasi oo ay ku muujinayaan cabasho ku saabsan mushaar la’aan.
Sida caadiga ah, askartu waxay mushaarkooda helaan 25-ka bisha, hase yeeshee, ilaa maanta oo ay tahay 28-ka Janaayo, weli ma aysan helin mushaarkooda, taasoo dhalisay shakiga ah in mushaarka bishan la waayi karo.
Ololahaan oo loogu magac daray ‘Waa Lagala Shakiyay’ ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyada oo askartu muuqaallo iyo fariimo ku baahinayaan TikTok, iyaga oo muujinaya dareenkooda ku aaddan dib u dhaca mushaarka iyo saameynta ay ku yeelatay noloshooda iyo waajibaadkooda shaqo.
Ilaa hadda, Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya kama aysan hadlin cabashadan ay soo jeediyeen askarta dowladda.
Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Askarta Soomaaliya ayaa si toos ah u heli jiray mushaarkooda 25 bisha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay waddo dadaallo lagu xoojinayo dakhliga gudaha si loo hubiyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.
Bishii Agoosto 2024, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqday hirgelinta canshuurta iibka ee 5% ah oo laga qaadayo badeecadaha iyo adeegyada, taasoo qeyb ka ah qorshaha lagu maalgelinayo adeegyada muhiimka ah ee dowladda, sida bixinta mushaaraadka .
Si kastaba ha ahaatee, cabashada askarta ee ku saabsan mushaar la’aanta ayaa muujineysa in weli ay jiraan caqabado ku saabsan bixinta mushaaraadka ciidamada, iyadoo la sugayo in Wasaaradda Maaliyadda ay ka jawaabto cabashadan isla markaana ay caddeyso sababta keentay dib u dhaca mushaarka bishan.