Safiirka Midowga Yurub oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

5

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, Cabdikariim Axmed Xasan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa doorashooyin hufan, xor ah, oo ay ka qayb qaataan dhammaan qeybaha bulshada.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen horumarinta nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo isla gartay in la xoojiyo hufnaanta iyo daah-furnaanta hannaanka doorasho.

Karin Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu dhisayo nidaam dimuqraadi ah oo la isku halleyn karo, si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Waxay xustay in Midowga Yurub uu si dhow ula shaqeynayo guddiga doorashooyinka si loo hubiyo in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, loona maro hab caddaalad ah.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dimuqraadiyadda iyo xoojinta hay’adaha doorashooyinka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in guddigiisu uu dadaal badan gelinayo sidii loo heli lahaa doorashooyin lagu kalsoonaan karo, loona dhisi lahaa hay’ado doorasho oo adkeysi leh.