Maareeyaha Guud ee NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa u sheegay BBCda laanteedi Af Soomaaliga inaysan isku xirneen qaadashada Kaarkaan iyo Doorashada, muwaadinka ay muhiim u tahay in mar waliba uu haysto kaarkaan.
“Aqoonsi ayaan ka shaqeyneynaa, aqoonsigan waa mid intaad nooshahay aad heysaneyso. Doorashada kahor iyo kadib ayaa loo baahan yahay mana isku xirna” ayuu yiri Maareeye Timacadde.
Wuxuu intaa ku daray in guddiga doorashooyinka ay mas’uul ka yihiin in kaarka aqoonsiga ay u adeegsadaan hubinta dadka is diwaan-gelinaya.
“Lama dhihi karo doorasho keliya ayaa loo wadaa ee dowladda ahmiyado ka waaweyn ayay ka leedahay sida inay dadku ku safraan, adeegyada dowladda ku helaan mana aha wax doorashada khaas u ah”.
Baanka Adduunka ayaa Soomaaliya ka taageeraya kharashka kaarka aqoonsiga, halka hannaankana ay ka taageertay dowladda Pakistan.
“Hannaanka annaga ayaa gacanta ku heyna iyo xogta dadka Soomaaliyeedba. Aad ayaa loo ilaaliyay oo cid kale ma heli karto,” ayuu intaa raaciyay.
Soomaaliya ayaa bishii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika ee xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, iyadoo noqotay dalkii siddeedaad, kadib muddo dheer oo ay u ololeyneysay ku biiristiisa. Dalalka kale ee ku mideysan ururkan ayaa kala ah Jamhuuriyadda Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda kenya, Jamhuuriyadda Suudaanta Koofureed, Jamhuuriyadda Uganda iyo Jamhuuriyadda Tanzania.