Dowladda Imaaraadka carabta oo si toos ah ula macaamilaya Soomaaliland iyo maamullada kale ee dalka

5

Dowladda Imaraadka Carabta ayaa diyaarad khaas ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro oo safarkiisii ugu horreeyay ugu amba baxay dalkaas.

Xariirka Imaaraadka uu la leeyahay Soomaaliland ayaa sanado badan soo tixnaa, balse sanadkii 2016-kii ayay xukuumadda Abu dubai billowday heshiisyo waaweyn oo la gashay Hargeysa, kuwaas oo uu kamid ahaa la wareegidda Dekedda Berbera iyo qalabaynta qaar kamida cutubyada laamaha ammaanka.

Sidoo kale dawladda Imaaraadka carabta ayaa xariirka la leh dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ay madaxdoodu si joogto ah ugu safraan dalkaas, islamarkaana heshiisyo qarsoodi ah iyo kuwo muuqdaba la soo galaan.

Sanadkii 2017 ayay ahayd markii shirkadda DP world oo laga leeyahay dalka Imaaraadku ay heshiis gaar oo ay kula wareegayso dekadda Magaalada Boosaaso la gashay dowlad goboleedka Puntland, waxaana heshiiskaas si aqlabiyad leh u diidey baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, balse looma joojin.

Sidoo kale dawladda Imaaraadku waxay tababartaa cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, sidoo kale waxay Abu dubai sanadihii dambe xoojinaysay xariirka ay la leedahay Jubbaland, waxaana la rumaysanahay in Imaaraadku uu kaalin ku leeyahay khilaafka haatan ka dhex aloosan Jubbaland iyo Federaalka.

Dowladda Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay fara-gelin gudaha ah oo ay ku samayso dalalka ay colaaduhu ka jiraan sida Yemen, Suudaan, iyo Libya, Soomaaliyana waxaa muuqata in looga faa’iidaysanayo kala qeybsanaanta siyaasadeed, ayadoo xukuumadda Abu dubai ay si toos ah ula macaamilaysa madaxda dowlad goboleedyada.