Somaliland oo Trump Ku Tilmaantay Nin Ku Dhac Leh oo Aqoonsi Siin Kara

7
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump uu yahay nin ku dhiiran kara in uu aqoonsi siiyo.

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Cali Ayaale, ayaa sheegay in Trump ay ka rajaynayaa in uu Somaliland aqoonsado, taasina ay suuragal ka dhigi karto in isbadal fiicani uu gobolka ka dhaco.

“Donald Trump oo run sheeg ah, ku dhac leh ayaa Maraykankii qabsaday, waxaan leenahay ku dhiiro, aan danaha is dhaafsano, aqoonsiga Somaliland ku dhawaaq dunidana isbal ayaa ka dhacaya markaa” ayuu yidhi Wasiirku.

Bilihii u danbeeyay waxa warbaahinta qabsaday in Maraynkanku uu Somaliland u aqoonsan doono dal gaar ah marka uu Trump xukunka yimaado, rajadaas oo ay qabaan shacabka Somliland iyo siyaasiyiin Somaliland taageera oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee hada talada la wareegay.

Inkasta oo aan laga warhayn talaabooyinka uu Trump qaadi doono, hadana waxa jira dadaalo ka socda Golaha Wakiilada Maraykanka oo guddiyo iyo xildhibaano ay ku doonayaan in Washington ay xidhiidh toos ah kula yeelato Hargaysa.

Ololahan cusub ayaa waxa dabada ka riixaya warwarka uu Maraykanku ka qabo saamaynta sii kordhaysa ee uu Shiinuhu gobolka ku yeelanayo. Shiinaha ayaa hada saaxiib dhow la ah dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda lacag badan ku bixinaysa ka hortaga xidhiidhka Hargaysa iyo Washington, iyada oo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanku uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu dhibaato ku noqon karo wadashaqaynta ay la leeyihiin Washington.