Israa’iil iyo Xamaas oo Maanta markale is dhaafsanaya Maxaabiis ay kala haysteen

6
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Xamaas iyo Israa’iil ay is dhaafsadaan qeybtii labaad ee maxaabiista ay kala haysteen labada dhinac.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Xamaas ay sii deysay sadax haween ah oo u dhashay Israa’iil, iyadoo Israa’iil ay dhankeeda sii deysay 90 maxbuus oo Falastiiniyiin ah.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filaya in Xamaas ay sii deyso afar haween ah oo Isra’iliyiin ah oo lagu hayo gudaha Gaza, si ay ugu badelato ilaa 180 qof oo Falastiiniyiin ah oo mudo dheer ku xirna xabsiyada Isra’iil.

Afarta haweenka ah ee Xamaas maanta sii deyn doonto ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag, kuwaas oo la sheegay in  sadex ka mid ah yihiin askar.

Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay ineysan wali helin magacyada liiska maxaabiista qorshuhu yahay in maanta laga sii daayo xabsiyada Isra’iil, waxayna sheegtay in marka loo soo gudbiyo magacyada dadkaasi ay maxaabiista reer Isra’iil ku wareejin doonto Shaqaalaha Laanqeyrta Cas.

Maxaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas ayaa timid  kadib markii 15-kii bishan Janaayo labada dhinac ku heshiiyeen heshiis sadex weji ah oo midka horena uu soconayo 42 maalmood, waxaana mudadaas Xamaas laga doonaya iney ku sii deyso 33 qof oo Isra’iliyiin ah oo isugu jira haween, carrruur iyo weliba dad da’ ah, iyadoo ku bedelaneysa maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah.