Dagaal culus oo ka dhacay xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

9

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu galinkii dambe ee shalay ilaa Xalay ku dhexmarayay deegaano hoos yimaada Ceel-baraf Labo Malleeshiyo beelood.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararka haatan la helayo ay sheegayaan in dhinacyadu ay is hor fadhiyaan, islamarkaana ay helayaan gurmadyo kala duwan.

Saacad kasta waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dagaalku qarxo, sida ay sheegeen saraakiisha amniga iyo dadka deegaanka.

Cabdiraxmaan Maxamed Guure, oo ah Xildhibaan hore uga soo mid noqday maamulka Hirshabeelle waxuu sheegay in dagaalka ka dhacay duleedka Ceel-baraf uu daba socdo kuwii hore, loona baahanyahay in laga gaaro Xal waara.

Xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa kusoo laalaabtay dagaal beeleedyo saameyn ku yeeahay deegaanadaasi, iyadoo ay fashilmeen heshiisyo nabadeed, oo dhowr jeer laga gaaray.

Sanadkii tagey dhamaadkiis ayaa lix askari oo kamid ahaa Ciidamada qaranka Soomaaliya lagu dilay duleedka Ceel-baraf iyagoo kusii jeeday gobolka Hiiraan, kana soo laabtay furimaha dagaalka Al-Shabaab.