Mareykanka oo dhaqaalaha ka jaray dalal ay Soomaaliya ku jirto

5

Donald Trump ayaa saxiixay digreeto Madaxweyne ku-meel-gaarka ah ee hakinta dhammaan barnaamijyada gargaarka dibadda ee Mareykanka muddo 90 maalmood ah, iyadoo la sugayo dib-u-eegis si lag go’aaminayo in ay la jaanqaadi karaan yoolalka siyaasaddiisa.

 

Ma cadda sida go’aankan uu u saameyn doono Soomaaliya, maadaama Marykanka uu maalgeliyo barnaamijyo badan ay horey ugu oggolaadeen Kongareeska, waxaana kamid ah taageeradda kumaandooska Danab iyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo.

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa hal-ku-dhig u sameeyay siyaasadda cusub ee maamulka Trump ee ku aadan deeqaha dhaqaalaha ee la siinayay wadamada uu Mareykanka caawiyo.

Dollar kasta oo aan kharash-gareyno, barnaamij kasta oo aan maalgelinno, siyaasadda kasta oo aan raacno waa in lagu xaqiijiyaa jawaabta mid ka mid ah saddexda su’aalood:

Ma ka dhigeysaa Mareykanka mid ammaan ah?

Ma ka dhigeysaa Mareykanka mid xoog badan?

Ama ma ka dhigeysaa Mareykanka mid barwaaqo ah?

Mareykanka ayaa siiyay Soomaaliya 1.5 bilyan oo doolar oo gargaarka bani’aadamnimada ah tan iyo 2006 si loo xalliyo dhibaatooyinka abaaraha, fatahaadaha ay sababeen.

Tan iyo 2011, Mareykanka ayaa ugu deeqay 240 milyan oo doolar oo dheeri ah si loo taageero dib u habeynta dhaqaalaha, siyaasadda, iyo bulshada waxaana hub iyo qalab si uu u taageero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.