Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saarey qoraal uu uga hadlay xaalada siyaasadeed ee wadanka.
Farmaajo ayaa sheegay inay dhowr jeer ka digeen in wax ka bedel aan loo dhameyn dowladda ku sameyso dastuurka oo ah waxa kaliya ee isku haya umadda Soomaaliyeed.
Dalkeennu wuxuu galay marxalado siyaasadeed oo horseedi kara qalalaase, dib u dhac siyaasadeed iyo dhaawac gaara wadajirka dalka. Waxaan Dowlad Goboleedyada, madaxdii hore ee qaranka & Baarlamaanka ugu baaqayaa wadatashi qaran oo lagu wajahayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.