Ra’iisul wasaare Xamse ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya ay xuduudihiisa iska furan yahay oo mar walba qarka u saaran yihiin in lala wareego balse waxa uu muujiyay in Soomaaliya laga xishooday oo aysan fare wax ugu jirin.
Nugeylka Dowladnimada Soomaaliya ayuu Xamse Cabdi Barre ku tilmaamay mid aan lahayn daah furnaan sidoo kalena leh musuq maasuq oo ay keentay tabar yarida Hay’adda Dowladda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in adeeg fiican aysan bixin Dowladda Soomaaliya sida Caafimaadka, amaanka iyo Waxbarashada, hadii ay bixisana aysan ahayn wax buuran oo Shacabka gaaraya.
Waxa uu ka digay Ra’iisul wasaaraha ardayda Sanad waliba soo qalin jabisa ee an wax shaqo helin inay yihiin Qunbulad aka Bam mar waliba qarxi kara taa oo dhibaato ku ah Dowladnimada Soomaaliya.