Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn u bogaadiyay guulaha laga gaaray wadahadaladii ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xamse Cabdi Barre ayaa soo jeediyay in waxyaabaha dhiman si deg deg ah loo dhameystiro, wuxuuna xusay in Xukuumadda Dan Qaran ay garab taagan tahay dadaallada socda ee lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta, qaadista Jidgooyooyinka iyo la shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya.
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ku booriyay waxgaradka gobolka Hiiraan iyo masuuliyiinta heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed iney sii adkeeyaan wadahadalada lagu gaarayo nabada iyo horumarka, islamarkaana looga gudbayo caqabadahii mudada dheer soo taagna.
“Waxaan bogaadinayaa dadaalladii miraha dhalay ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Baledweyne Caasimadda gobolka Hiiraan, waxaan u mahadcelinaya Odoyaashii, Saraakiishii, Gabdhihii iyo qaybihii kala duwana Bulshada ee ka qaybgalay in la dajiyo xaaladda oo amniga dib loosoo celiyo oo lasoo afjaro hubkii sharci darrada ahaa oo sharciga uu shaqeeyo” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku amaanay dadka reer Hiiraan iney yihiin kuwa dhameyn kara wax kasta oo khilaafaad ah oo soo kala dhex gala.
“Reer Hiiraan waa in ay dhammeystiraan waxyaabaha yaryar ee dhiman, waxaa la adkeeyay midnimada iyada oo lasoo afjaray khilaafaadkii, waan hubaa in reer Hiiraan ay awood u leeyihiin inay dhammeeyaan wax weliba oo khilaafaad ah” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaaraha ayaa imaanaya, iyadoo maalmo kooban ka hor si rasmi ah amniga guud ee magaalada Baledweyne loogu wareejiyay ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kadib wadahadalo dhexmaray masuuliyiin ka socotay dowladda iyo Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo wehlinayeen qeybaha kala duwan ee bulshada.