Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u jawaabay Sheekh Shariif iyo CC Shakuur

5

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan siyaasiyiin fadhiid ah oo doonaya, sida uu hadalka u dhigay in dalka meesha uu hada joogo lagu siihayo taas oo uu Madaxweynuhu u gala jeedo in ay mucaaradku diidan yihiin doorashada qof iyo codka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka qaar isbedelka iyo nabada ay ka cabsadaan, iyagoo umalaynaya buu yiri wax iyaga dhib ku ah oo loogu darnaanayo.

Sidoo kale waxa uu ku adkeeyay carabka oo uu ku celceliyay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacayso dalka, isagoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ugu baaqay in ay xisbiyo sameystaan oo ku kalsoonaadan nidaamka ay Soomaaliya uga guurtay midkii hore ee doorashada dad ban.

Hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili ay Shalay Shir jiraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ay si adag uga hadleen qorshaha DFS ee doorashada Qof iyo Cod, taas oo ay ku sifeeyeen hadaan laga heshiin mid horseedi doonta khilaaf iyo khalkhal amni.