Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka heshiiyay murankii ka taagnaa qunsuliyadaha kuyaala Garowe iyo Hargeysa

6

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyadaha Itoobiya ee ku yaalla Garowe iyo Hargeysa oo ay dowladda hadda ka hor amartay in la xiro.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay, in labada qunsuliyadood si toos ah loo hoos geeyo safaaradda Itoobiya ee  Muqdisho.

Wasiir u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, oo wareysi siinayay VOA Soomaali, ayaa sheegay in labada dal ay sidoo kale isku afgarteen in Itoobiya qunsulo cusub usoo magacowdo qunsuliyadaha labada magaalo.

Dhawaan, Puntland ayaa sagootisay qunsulkii Itoobiya u fadhiyay magaalada Garowe, kaddib markii looga yeeray dalkiisa, loona sheegay inuu dhamaaday waajibaadkiisii shaqo.

Tallaabadan ayaa loo arkaa inay qeyb ka ah dadaallada dib loogu soo celinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu aad u xumaaday.

Bishii Abril ee sannadkii hore, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay Itoobiya in ay xirto Qunsuliyadaha ay ku leedahay Garoowe iyo Hargeysa, kadib markii ay ku eedaysay Itoobiya inay faragelin ku hayso madax-bannaanideeda.

Itoobiya ayaan u hoggaansamin amarka dowladda  ee ahaa in la xiro labada qunsuliyadeed ee Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.