Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uusan wax cafis ah siin doonin kooxaha ajaanibta ee ka tirsan Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaan ee gobolka Bari.
Go’aankan ayaa kusoo beegmay kaddib markii dhawaan 12 xubnood oo ajaanib ah oo ka tirsan Daacish ay weerar ka geysteen deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari. Weerarkaas ayaa khasaare gaarsiiyay ciidamada Puntland.
Maamulka Puntland ayaa sidoo kale shaaciyay inay fursaddii ugu dambeysay siiyeen xubnaha Soomaalida ah ee Daacish ka tirsan si ay isu soo dhiibaan kahor inta aysan ciidamada qaadin weerar milateri.
“Argagixisada ajaanibta ah ee ka timid dalal kala duwan looma fidin doono wax cafis ah,” ayuu yiri General Cabdiraxman oo ka tirsan saraakiisha ciidanka PMPF (Puntland Marine Police Force).
Dhinaca kale, ciidamada amniga Puntland ayaa howlgallo ka bilaabay buuraha Calmiskaan. Howlgalladan ayaa looga golleeyahay in lagu burburiyo saldhigyada qarsoodiga ah ee Daacish ay ku leeyihiin buuraha.
Ciidamada ayaa sidoo kale isku fidiyay jihooyin kala duwan si ay u bartilmaameedsadaan xubnaha kooxda ee halkaas ku dhuumaaleysanaya.