Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya bilowga 2025, ka dib markii uu dhex dhexaadiyay heshiis lagu soo afjarayo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah.
Wafdi hordhac u ah booqashada Erdogan ayaa soo gaarey Muqdisho, waxaana la filayaa in amniga aad loo adkeeyo maalmahan, maadaama uu Madaxweynaha Turkiga imaanayo.
Turkiga ayaa u soo galay dhexdhexaadin bishii Luulyo, isagoo qabtay saddex wareeg oo hore oo wadahadal ah – laba ka dhacay Ankara iyo mid ka dhacay New York – ka hor horumarka laga sameeyey todobaadkii hore, heshiiska waxaa soo dhaweeyey Midowga Afrika, Maraykanka, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday (UK) iyo Imaaraadka carabta.
Erdogan ayaa sidoo kale la filayaa inuu Itoobiya booqdo, waxaana uu xooga saaraya sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara.