Wafdi heer sare ah oo ka socda Ethiopia oo ay hogaaminayaan Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Mesganu Arga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Aisha Mohammed Musse ayaa ku sugan magaalada Muqdisho si ay uga wada hadlaan dhaqan gelinta heshiiskii Ankara Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku gaareen 11-kii December, 2024. Booqashadan ayaa timid xili hubaal la’aanta ka jirto doorka Ciidamada Itoobiya ee howlgalka cusub ee AUSSOM.
Socdaalka Wafdiga Ethiopia ayaa imaanaya kadib booqashadii Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad iyo Taliyaha NISA Sanbloolshe ku tageen Addis Ababa bishii hore, waxaana labada dal ay ka shaqeynayaan hadda sidii lagu hagaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeyay oo meeshii ugu hooseysay gaarey sanadkii hore kadib markii Abiy Axmed heshiiska badda la galay maamulka Somaliland.
Booqashadda wafdigan ay qeybta ka tahay wasiirka difaaca Aisha Mohammed ayaa sidoo kale la xiriira joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, kadib markii dhamaadey waqtigii loo qabtay inay dalka ka baxaan 31-kii December 2024, iyadoo aan la ogeyn inuu isbedelay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aadan arintan.
Itoobiya waxay aad uga walaacsan tahay in Masar ay galaan-gal military ku yeelato Soomaaliya, taasoo keeni karta inuu khatar-galo amnigeeda, maadaama labada dowladooda uu u dhaxeeyo khilaaf socday in ka badan 10 sano oo salka ku haya biyo-xireenka webiga Niil, oo xukuumadda Addis Ababa ku bixisay $5 billion oo dollar.