Masar ayaa ciidan badan dhanka cirka iyo badda ku keenaysa Soomaaliya si ay uga qayb qaadataan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka military ay Qaahira ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
Talaabadan ayaa sidoo kale guul u ah loolanka tobanka sano Masar ay kula jirto dowlada Itoobiya ee ku saabsan biyo xireenka weyn ee wabiga Niil, kaasoo ay Qaahira u aragto mid khatar ku ah amaanka biyaha.
Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkii hore 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi milatari ah kaas, oo Masar ku geynayso dhowr iyo toban kun oo askari dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababar siinaya ciidanka ammaanka Soomaaliya, islamarkaana sugaya ammaanka madaxda ugu sareysa dalka, qoysaskooda iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda.
Ciidanka cusub ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – ayaa beddeli doona Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis), kaas oo hawl-galkiisa uu dhammaaday Talaadadii shalay, 31ka December 2024-ka. Howlgalka cusub ayaa la qorsheeyay inaysa Itoobiya qeyb ka noqon.
Itoobiya oo in ka badan 10,000 oo askari ka jooga Soomaaliya ayaa wali u hogaansamin amarka dowlada federaalka ee ah inay dalka ka baxaan, waxaana joogitaanka ciidanka Itoobiya loo aqoonsan doonaa mid sharc darro ah, sida ay sheegeen saraakiil katirsan dowladda.