Puntland oo ka hadashay weerarkii ay Daacish kusoo qaadday deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari

8

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo ay kooxda Daacish ku doonaysay inay ku qalqal galiso amniga Puntland.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in ciidamada Puntland ay dileen koox ajaanib ah oo hoggaaminaysay weerarka ka dhacay tuulada Dharjaale, isaga oo xusay in aysan jirin hal qof oo Soomaali ah oo ku jiray kooxdii weerarka soo qaaday.

Inkasta oo uu Wasiirku ka gaabsaday faahfaahinta khasaaraha soo gaaray ciidamada Puntland, haddana wuxuu carrabka ku adkaystay inay fashliyeen ujeeddadii kooxda Daacish ay ka lahayd weerarkan.

Warar madaxbannaan oo ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay Puntland ku weyday in ka badan 10 askari, halka ku dhowaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, gawaari xamuul ah oo u siday ciidamada sahay ayaa ku gubtay qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday.