Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar qabyo ah oo lagu dhisayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
15-ka xubnood ee golaha ayaa meel mariyay qaraarka qabyada ah oo UK ay hoggaamineyso, waxaana ogolaatay 14 cod, waxaana ka aamusay dowladda Mareykanka.
AUSSOM waxay beddeli doontaa howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo howshiisa uu ku eg yahay 31-ka December.
Qoraalka qabyo-qoraalka ah ayaa u oggolaanaya Midowga Afrika (AU) inuu Soomaaliya geeyo illaa 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 boolIis ah, ilaa 30ka Juunyo 2025, iyo in la dhammaystiro taariikhdan dib u habeynta dhammaan ciidammada Midowga Afrika ee horey u ahaa ATMIS, si loogu guuro AUSSOM.
Danjire James Kariuki, ku xigeenka ergayga joogtada ah ee UK ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in qaraarkan uu si adag u xoojinayo taageerada uu Goluhu siiyo Soomaaliya.
“Waxay u fasaxday AUSSOM inay Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, xoojinta dadaallada xasilinta Soomaaliya, iyo awood bixinta gargaarka bani’aadamnimo,” ayuu yiri Kariuki.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labaduba ka qayb galay kalfadhiga. Labada dal ayaa khilaaf xooggani uu dhexmaray tan iyo markii ay Itoobiya bishii January heshiis la gashay Somaliland, si ay deked uga sameysato badda cas.