Itoobiya ayaa sheegtay inay aad uga xumaatay hadalka kasoo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya 23-kii December 2024 oo ku eedeeysay Ciidamada Itoobiya inay ku lug lahaayeen dhacdadii magaalada Doolow ee Soomaaliya.
“Eedeyntan ma ahan mid run ah. Dhacdadan waxaa kiciyay xubno gaar ah oo doonaya in ay fashiliyaan caadiyeynta xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Dhinacyadan saddexaad waxa ay damacsan yihiin inay khalkhal galiyaan xasiloonida Geeska Afrika, waana Qaswadayaasha joogtada ah ee nabadda gobolka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
“Waa in aan loo oggolaan in ay fashiliyaan ballan-qaadka labada waddan ee nabadda sida lagu muujiyey Baaqa Ankara.
Dowladda Itoobiya waxay sii wadi doontaa la shaqeynta hay’adaha ay khuseyso ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago shilalka noocaan oo kale aha” ayaa kamid ahaa war-saxaafadeedka.