Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo.
Axmed Madoobe ayaa Maxamed Xuseen Isaaq (Alqaadi) u magacaabay inuu noqdo gudoomiyaha Gobolka Gedo.
Tallaabada uu qaaday madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan Gedo ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamulkiisa.