Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa shaaciyay in horraanta sanadka soo socda uu booqasho ku imaan doono Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib heshiis lagu soo afjaray xiisaddii muddada sanadka ku dhow ka dhexaysay dalalkan ku yaalla Geeska Afrika.
“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sanadka cusub,” ayuu yiri Erdogan oo Axaddii shalay.
Labadan hogaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in ay soo afjaraan khilaafkii ka dhashay heshiiska Badda Somaliland ka dib wadahadalo saacado qaatay oo uu dhexdhexaadinayey Erdoğan, kaas oo ku tilmaamay mid taariikhi ah.
Khilaafka ayaa soo bilowday bishii January ee sanadkan markii Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay maamul goboleedka Somaliland si uu u helo dhul xeebeedka 20KM ku fadhiya oo deked iyo saldhig ciidan ka dhisan lahayd.