Wasiirka Wasaradda amniga gudaha Jubbaland sareeye Gaas YuUsuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahinayay baraha bulshada kaas oo ahaa in Ciidamo Jubaland ka tirsan oo ku sugnaa Dagmada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo ay isku dhiibeen DFS.
Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha JubBaland ayaa uqornaa sidatan:-
“Waxaan si cad u beeninayaa in aysan jirin ciidamo katirsan dowlada jubbaland oo darawiish ah oo ku sugan baladxawo arintaas oo ah mid lagu qaldayo dowlada fedraalka iyo shacabka reer gedo,
Ciidamo jubbaland oo darawiish ah waxaa u dambeesay kuwii uu dowlada fadraalka ku wareejiyay wasiirkii hore ee amniga jubbaland,cabdirashid xasan cabdi nuur.