Wasiirka arrimaha dibadda Masar Abdelatty iyo dhiggiisa Ereteriya Osman Saleh waxay mar kale xaqiijiyeen inay taageerayaan madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya oo lagama maarmaan u ah ilaalinta amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Labada wasiir ayaa wadahadal ku yeeshay khadka taleefoonka oo uga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo ganacsiga, iyo wada-tashiyada arrimaha gobolka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Khamiistii shalay.
Masar iyo Eritrea ayaa dhowr jeer oo hore diiday dhammaan faragelinta shisheeye ee arrimaha Soomaaliya, waxayna caddeeyeen inay kasoo horjeedaan heshiiska badda ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland horaantii sanadkan, kaasoo abuuray xiisad diblomaasi.
Bishii August 2024, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dhigiisa Masar C/fitaax Al-Siisi waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan iskaashiga milatariga ee labada dal, waxayna Masar usoo dirtay maraakiib iyo diyaarado hub ah oo Muqdisho laga soo dejiyay. Arintan ayaa walaac ku abuurtay dowladda Itoobiya, oo khatar ka dhan ah amnigeeda u aragta.
Booqashadii uu bishii October ku tagay dalka Eritrea Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi, oo kula kulmay dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu aas-aasay isbahaysi cusub oo saddex geesood ah oo looga hortagayo saameynta Itoobiya ee gobolka iyo isku daygeeda inay gaarto badda cas.
Geesta kale, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa dhawaan booqasho ku tagay Masar, isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo Madaxweyne El-Sisi.