Xubnaha mucaaradka oo qaadacay guddiga doorashooyinka Qaranka

3

Siyaayiinta mucuaaradka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa gebi ahaan qaadacday xeerarka doorashooyinka iyo guddiga loo xilsaaray ee ay meel-mariyeen labada gole.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Sheekh Shariif, Xasal Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa eedeymo culus loogu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo sheegay inuu beddalay dastuurkii dalka.

“Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho. Wuxuu beddelay dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddi doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.