SSC Khaatumo oo si adag u beeniysay inuu jiro kulan qadka taleefoonka ah oo dhexmaray Firdhiye iyo Cabdiraxmaan Cirro

11
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si xooggan u beeniyey wararka ay saxaafadda faafiyeen, oo ku saabsanaa in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye uu khadka taleefanka kula xidhiidhey madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro si ay uga wada hadlaan xiisadda ka taagan magaalada Ceerigaabo.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in warkan ay faafiyeen dad ay ugu yeereen cadawgooda, kuwaas oo doonaya inay khal-khal gelin ku sameeyaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu caddeeyey in arrintan ay ku wargaliyeen laamaha sharciga, si baaritaan iyo caddaalad loo marsiiyo cid kasta oo ku lug leh faafinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadda lidka ku ah jiritaanka maamulka SSC-Khaatumo.

SSC-Khaatumo waxay sidoo kale caddeeyeen in aysan jiri doonin wax xiriir ah, toos ah ama dadban, oo dhex maraan maamulka SSC-Khaatumo iyo Somaliland, oo ay ku tilmaameen mid  dhibaatooyin dagaal u geystay shacabka reer SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa sheegay in aanay jirin wax suurtagal ah oo wadahadal ama gorgortan oo looga gali karo qayb kamid ah dhulka SSC-Khaatumo.