Masar oo diyaarisay Ciidamadii uga mid noqon lahaa Howlgalka Cusub ee Soomaaliya AUSSOM

11

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka ciidamada, wasiirka Gaashaandhigga Masar waxa uu warbixin dheer ka dhegaystay habraaca diyaarinta farsamada iyo maamulka iyo qalabaynta ciidanka ka qayb-qaadanaya howlgalka cusub ee Midowga Africa ee bilaabanaya sanadka 2025.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Masar, Sarreeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdullaahi, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Masar ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada, Howlgalka Ciidamada loo qorsheeyay in ay mid noqdaan howlgallada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa sameenayay tababar kii ugu dambeyay ay iskugu diyaariyaan inay usoo safraan dhinaca Soomaaliya, Masar iyo Soomaaliya ayaa bishii August ee lasoo dhaafay kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah, kaasoo ku saabsanaa in Masar ay Muqdisho u soo dirto taageero milateri.

Howlaha nabad ilaalinta cusub ee Soomaaliya ayaa bilaaban doona bilowga sanadka cusub, iyagoo badali doonaa howlgalka KMG ee ATMIS.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Masar iyo Soomaaliya bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxa ay soo dhaweysay yabooha Masar ee ah inay ciidamadeeda ka qeyb qaataan howlgalka cusub ee AUSSOM.