Jubbaland oo joojisay xiriirkii iyo wada shaqayntii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

12

Golaha Wasiirrada Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maamulka Jubbaland uu joojiyay xiriirkii iyo wada shaqayntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay DFS inay ku xadgudubtay dastuurka dalka iyo nidaamka dowlad-dhiska.

Jubbaland ayaa ku tilmaantay tallaabooyinka ay qaadday Dowladda Federaalka, oo ay ka mid yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka, ay yihiin kuwo sharci-darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Jubbaland waxay go’aamadaas ku sifeeyeen afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah, iyagoo ku adkeystay in ay yihiin kuwo halis gelinaya dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Jubbaland waxay ku dhawaaqday gogol wadatashi oo ay ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka in ay ka qeyb galaan.

Gogoshan ayay Jubbaland sheegtay in lagu go’aamin doonaa mustaqbalka dowlad-dhiska iyo sidii loo badbaadin lahaa midnimada ummadda Soomaaliyeed.