Sidoo kale kumanaanka shacab ee isugu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumada Ra’iisul Wasaare Xamse ee ah in dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka.
Duqa Muqdisho ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado Doorasho qof iyo cod si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto, iyadoona isku soo baxa ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Madaxda Ururada Dhalinyarada, Haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Caasimadda.
Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegtay inay ka go’antahay in nidaamka Doorasho qof iyo cod ah ay ka hirgaliso guud ahaan dalka Soomaaliya.
Horey sidaani oo kale 2019kii Barlamaankii xiligaasi jiray ayaa meel mariyay Xeerka Doorashada Qof iyo Cod taa oo markii dambe keentay in Siyaasiyiintii Mucaaradka ee xiligaasi uu kamidka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ay diideen.