Xubnaha mucaaradka iyo Puntland oo taageero u muujiyay Axmed Madoobe

12

Xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa taageero buuxda u muujiyay madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta markii saddexaad lagu doortay magaalada Kismaayo.

Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa yiri “Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo Dowlad Goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota.

Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay. Doorashada Jubbaland waxay meesha ka saartay muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee madaxda dowladda Federaalku ku cadaadinayeen Dowlad Goboleedyadda Dalka.

Xasan Cali Khayre “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland. Waxaan ugu baaqayaa in uu mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la dagaallanka Khawaarijta, iyo xasilloonida Jubbaland.
Waxaa nasiibdarro ah in Madaxda Dowladda Federaalku oo uu riixayo damac gurracan ay ciidankii qaranka ku sii daadgureynayaan Jubbaland, si ay colaad uga huriyaan deegaanka. Waxaana ugu baaqayaa in ay degdeg u joojiyaan hurinta colaaddan oo fursad siinayso khawaarijta, halis gelinaysa xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka, sidoo kalena wiiqaysa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Madaxweyne Axmad waxaa horyaalla hawlo culus oo baaxad wayn leh oo ay ugu muhiimsan yihiin dib u heshiisiinta bulshada Jubaland, la dagaallanka Khawaarijta, adkaynta nabadgelyada, xasilloonida iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada reer Jubaland. Doorashada Madaxweyne Madoobe waxay soo afmeeraysaa rajadii muddo kororsiga ee Villa Somalia ee ku hoos duugnayd muddo kordhinta madaxda dowlad Goboleedyada”.

Madaxweyne Saciid Deni ” Waxaan u hambalyeeynaynaa Madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland, waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.  Jubaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Jubaland iyo Shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland, wixii kala aragti duwanaansho ahna in lagu xaliyo wadahadal”.