ATMIS oo ku baaqday in Dowladda federaalka iyo Jubaland ay xal ka gaaraan Khilaafka siyaasadeed

14

War kasoo baxay Taliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa si walaac leh looga hadlay warbixino ay dhowaanahaan ay tebinayeen warbaahinta gudaha kaa oo kusaabsan in Booliska ATMIS ay ku lugleeyihiin sugidda ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka Jubaland.

Warka kasoo baxay ATMIS waxaa shaaca looga qaaday in Howlgalkooda uu hoosta ka xariiqayo dhexdhexaadnimadoodi khilaafka u dhaxeeya Jubaland iyo Dowladda federaalka, waxayna ku baaqeen in si nabad ah xal looga gaaro muranka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Sidoo kale warka ATMIS waxaa lagu yiri “Howlgalka KMG ee Midowga Africa ee Soomaaliya waxay ku boorinaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso, oo ay ku jiraan dawladda federaalka iyo maamulka Jubaland, inay ka wada-hadlaan dhameynta khilaafka siyaasadeed si xal wax-ku-ool ah oo loo dhan yahay looga gaaro khilaafka”.

ATMIS waxay shaaca ka qaaday inay sii wadi doontaa fulinta waajibaadkeeda si ay si buuxda ugu taageerto geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, oo ay ku jiraan dadaallada loogu gudbayo doorasho hal qof iyo hal cod ah iyada oo loo marayo hannaan loo dhan yahay oo laga wada qayb-galayo.

Magaalada Kismaayo waxaa lagu wadaa in maalinta berito ah ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubaland, waxaana si aad ah loo adkeeyay guud ahaan magaalada Kismaayo.