Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo maanta doortay guddoon cusub

8

Xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada saddexaad ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta doortay guddoon cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii saddexaad ku guuleystay xilka guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland, isaga oo helay 65 cod, halka Ismaaciil Cabdi Keerow uu helay 7 cod, sida uu shaaciyay shir guddoonka maanta.

Codeynta kadib guddoomiye Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa markii uu guuleystay u mahadceliyay xildhibaanada taageeray, isaga oo ballan-qaaday in uu sii wadi doono horumarka Jubbaland iyo xoojinta shaqada Golaha Wakiilada.

Doorashadan waxaa ku xigi doonto midda madaxweynaha oo lagu wado inay dhacdo 25-ka bishan aynu jirno ee Novermber.

Dowladda Federaalka ayaa si weyn u diidan doorashada ka socota magaalada Kismaayo, waxaana ay horay u sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada kasoo baxda, taas oo sare usii qaaday xiisadda labada dhinac.