Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha degmada Doolow oo la joojiyay,waa maxay Sababta?

14

Dhawaan degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo waxaa tagay askar iyo saraakiil la sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo keentay in ammaanka guud ee Doolow oo garoonka diyaaradaha uu qeyb ka yahay ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Arrimahan oo idil ayaa salka ku haya khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya maamulka Jubaland iyadoo labada dhinac khilaafkooda marba marka kasii dambeysa uu sii xoogeysanayo.

Waxaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay xireen raggan oo isugu jiro askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyadoo laga cabsi qabo in qalalaase salka ku haya khikaafka taagan ay ka abuuraan deegaanada Jubbooyinka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xarigga raggaasi iyada oo joojisay duulimaaduadii diyaaradaha rayidka ee aadi lahaa magaalada Doolow.

Warka ayaa waxa uu sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay joojisay duulimaadyadii diyaaradaha rayidka ee aadi lahaa magaalada Doolow, sabab la xariirta 6 askari oo dhawaan ka tagay Muqdisho ee lagu xiray Doolow, kuwaas oo ay ciidanka Itoobiya ee amniga garoonka haya ay qabteen.

Mas’uuliyiinta duulimaadyada, sida ay xaqiijiyeen waxaa loo sheegay in safaradu rayidka bilaaban karaan oo kaliya, haddii 6 sarkaal lagu wareejiyo madaxda NISA ee gobalka Gedo, kahorna wax duulimaad ah aysan aadi karin garoonka oo la xiray.

Arintan ayaa waxa ay saameyn ku yeelanaysaa dadka shacabka ah ee isaga kala goosha Doolow iyo Muqdisho, dadkaasina ay suurta gal tahay in ay qeyb ka yihiin dad xanuunsan oo howlo caafimaad u baahan.