Guddiga Doorashada Jubaland oo lagu wareejisay liiska Xildhibaanada cusub ee Jubaland

10

Guddiga Doorashooyinka Jubaland ayaa maanta si rasmi ah uga gudoomay odayaasha dhaqanka ee beelaha dega Jubaland feylasha liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Saddexaad ee Jubaland.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubaland, Dr. Mursal Siyaad Maxamed, oo ay wehliyaan xubnaha guddiga doorashada, ayaa mid-mid u qaabilay odayaasha dhaqanka waxaana oday kasta uu guddiga ku wareejiyay xubinta uu matalo, taasoo beesha uu ka soo jeedo ku meteli doonta Golaha Wakiillada cusub.

Odayaasha dhaqanka ee maanta soo gudbiyay liiska xubnaha cusub ayaa warbaahinta u sheegay in ay si buuxda u guteen doorkii ugu muhiimsanaa ee dhismaha Golaha Wakiillada Jubaland, oo ah hay’adda sharci-dejinta ee aas-aaska u ah dowladnimada Jubaland.

Wixii intaan ka dambeeya Guddiga ayaa guda gali doona inuu ka shaqeeyo shaacinta Xildhibaanada iyo qabashada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubaland oo la filaayo inay dhacdo 21ka Bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista.