Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto deegaanadeeda oo ka horymid ansixinta xeerka dhisidda guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka

11

Maamul goboleedka Jubbaland iyo Xildhibaanada labada gole ee Jubbaland ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka horyimid talaabadii Shalay ku ansixiyeen Mudanayaasha labada Aqal xeerka dhisidda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay inuusan sharci aheyn ansixinta Xildhibaanada labada gole ee ku aadan xeerka dhisida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Jubbaland ayaa sheegtay in kalfadhiyada lagu horgeeyay labada aqal ee Baarlamaanka xeerka doorashooyinka Qaranka ineysan qeyb ka aheyn Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka ku matala maamulada Jubbaland iyo Puntland.

“Talaabada sharcidarada ah ee maanta Baarlamanka qaaday iyadoo wadahadalo iyo waan waan socotay Waxay cadeyn u tahay in madaxda dalka aysan diyaar u ahayn wadahadal, isdhagaysi, isixtiraam, iyo tanaasul loo sameeyo ummada Somaliyeed lana dhawro dastuurka, iyagoo caadeysatey dhaqanka ah loo joojin mayo oo keenaysa Qalalaaso iyo hubanti la’aanta siyaasadeed oo hada sii xogaysanaysa”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Jubbaland.

Dhinaca kale Xildhibaada labada aqal ee Jubbaland ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen kaga soo horjeestay go’aanka Xildhibaanada labada Aqal ku ansixiyeen dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka oo ay sheegeen inuu yahay mid ka hor imaanaya habraaca shaqo dowladda.

Xildhibaanadaan kasoo jeeda Jubbaland ayaa sidoo kale Warsaxafadeedkooda ku sheegeen ineysan aqbali doonin ayna qeybna ka aheyn wax kasta oo baalmarsan Dastuurka dalka.

“Xildhibaanada labada gole ee laga soo doorto deegaanada Jubbaland waxay cadeynayaan in si cad loogu tuntay golayaasha, dowladda iyo kalfadhiyada Golaha” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka Xildhibaanada labada gole ku matala Jubbaland Baarlamaanka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedyadaan kasoo kala baxay maamulka Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto deegaanada maamulkaas ee  Baarlamaanka Soomaaliya ku matala labadiisa gole ayaa imaanaya, iyadoo Shalay labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ay si wadajir ah u ansixiyeen xeerka doorashooyinka Qaranka.