(SAWIRRO)Degmada Baardheere oo lagu qabtey Xaflad lagu maamusayey 30 Sanno guurada ka soo wareegatey maalintii la aas aasey Hay;adda Samafalka SADO

12

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa lagu qabtey Xaflad si heer sare loo soo agaasimey,taasoo lagu maamusayey 30 Sanno guurada ka soo wareegatey maalintii la aas aasey Hay”adda Samafalka SADO.

Xaflada ayaa waxaa ka qeyb galey Boqolaal dadweyne ah oo ay ka mid ahaayeen Maamulka degmada,Odoyaasha dhaqanka,Culimada,Haweenka,Dhalinyarada,Beeraleyda,Ganacsatada,Qaar ka mid ah H/wadeenada Hay”adaha iyo Waxgarad kale.

Bishaar Maxamed ibraahin oo ah Madaxa Hay’adda SADO ee Xafiiska Baardheere ayaa Ugu horeen ka warbixiyey Waxqabadkii shaqo ee SADO mudada Sodonkii Sanno ee la dhaafey iyo heerka maanta ay taagan tahay SADO.isagoona tilmaamay Xilligan la joogo Mashaariic iyo adeegyo Bulsho SADO in ay ka wado Qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Xubnahii kale duwanaa ee ka Hadley Xaflada ayaa dhamaan waxay Bogaadiyeen Waxqabadka Balaaran ee Hay’adda SADO ee dhinacyada Samafalka,oo ay hormuud u ahayd 30 sanno ee la soo dhaafey,xilli adag oo qeybo ka mid ah Dalka ay ka taagnaayeen Colaado sokeeye,Abaaro iyo Fatahaado.

Mas,uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere oo ka hadley xaflada ayaa Hay’adda Samafalka SADO ku amaanay waxqabadka shaqo ee Bulshada Soomaaliyeed u hayso ee dhinaca Samafalka iyo Horomarinta Mashaariicda.

Gebagebada Xaflada waxaa soo xirey Gudoomiyaha degmada Baardheere, Aden Maxamed Axmed(Dhegacade) oo Mas,uuliyiinta SADO kula dardarmey in ay sii balaariyeen Waxqabadkooda shaqo ee ku aadan horomarinta Adeegyada Samafalka ee ay u hayaan Bulshada,waxuuna halkaasi shahaado sharaf ku gudoonsiiyey Qaar ka mid ah H/wadeenada SADO ee soo shaqeeyey mudada fog.

Si kastaba ha ahaatee Hay,adda Samafalka SADO ayaa arimaha Bini,aadinimada Dalka waxay ka shaqeynaysay Xilli adag oo Dalka Soomaaliya ayan ka jirin Wax Dowlad ah,dhinaca Nabad dhiska iyo Dowlad nimadana SADO waxay ka qeyb qaadatey Shirkii Dib u heshiisinta ee Dalka Jabuuti ee lagu yagleelay Dowaladnimada haatan daka ka jirta iyo shirar kale oo la xariira Nabada iyo is dhex galka Bulshada.